3.1 Xisaabidda wareega

Bal ka fikir adiga oo ku soo wareegaaya garoonka kubadda cagta, garoonku waxa uu leeyahay cabbirada ka muuqda sawirka.

Waa immisa fogaanta aad goysay haddii aad sameyso hal wareeg oo buuxa oo garoonka kubadda cagta?


Waxay jawaabtu noqoneysaa sidan:
60 m + 100 m + 60 m + 100 m = 320 m

Fogaantan, 320 m, waa wareegga garoonka. Wareeggu waa cabbir sheegaaya inta ay la egtahay dhererka ku wareegsan walaxda ama sawirka joometeriga.




Waxaad halkan ku aragtaa leydi leh dhinacyada a iyo b. Wareegga, oo loo qoro O, wuxuu markaasi noqonayaa:

O = a + b + a + b =
2a + 2b = 2(a + b)