2.2 Halbeegyada

Mitir - m

Marka aan cabbireyno dhererka walax waxaan isticmaalnaa nidaamka halbeegga ee loo yaqaano SI (standardenhet), oo ah nidaam lagu wada heshiiyey. Nidaamkaas waxaa qarnigii 18-naad keenay kacaankii dalka Faransiiska.

Gabadhani waxay heysaa mastarad dhererkeedu tahay hal mitir.



Foto: Fredrik Enander

Markii aan qoreyno halbeeg ka yar ama ka weyn mitir waxaan adeegsaneynaa horgale.


Desimitir - dm
Haddii hal mitir loo qeybiyo 10 qeybood oo isla eg, qeyb walba waxay noqoneysaa hal desimitir. Desi macnaheedu waa toban meelood.

1 desimitir: 1 dm = 1 meel marka toban meelood loo qeybiyo mitirka.

Xariiqda hoose waa 1 desimitir.


Sentimitir - cm
Haddii hal mitir loo qeybiyo 100 meelood oo isla eg, qeyb walba waxay noqoneysaa hal sentimitir. Senti macnaheedu waa boqol meelood meel.

1 sentimitir: 1 cm = 1 boqol meelood meel hal mitir

Xariiqda hoose waa 1 sentimitir.



Millimeter – mm
Haddii hal mitir loo qeybiyo 1 000 qeybood oo isla eg, qeyb walba waxay noqoneysaa hal millimitir. Milli macnaheedu waa kun meelood.

1 millimitir: 1 mm = 1 kun meelood meel hal mitir

100 cm = 10 dm = 1 m = 1 000 mm



Kiilomitir - km
Kiilo macnaheedu waa kun.

1 kiilomitir: 1 km = kun mitir = 1 000 m.

Fogaanta waddooyinka waxaa mar walba lagu sheegaa halbeegga kiilomitir. Dhinaca midig waxaad ku aragtaa fogaanta xaafadaha kala duwan ee magaalada, iyo weliba waddada loogu talogalay baaskiilka ayada oo la isticmaalaya tirooyinka jajabka tobanle.


Foto: Fredrik Enander

Mitir iyo horgaleyaashiisa
Haddii aan isku xirno halbeegga 1 mitir iyo horgale waxaan heleynaa cabbiro ka weyn ama ka yar mitir.



Tusaale:
2 Gm = 2 Gigameter = 2 000 000 000 m
64 Nm = 64 Nanometer = 0,000 000 064 m



Miil
1 miil = 10 km = 10 000 m

Miil waa halbeeg u gaar ah dalkan Iswiidhan waxaana loo isticmaalaa fogaanta aadka u fog sida tan u dhexeysa magaalooyinka, tusaale ahaan Stockholm iyo Göteborg. Fogaanta u dhexeysa Stockholm iyo Göteborg waa 48 miil (oo u dhiganta 480 km).

Halbeegyada loo adeegsado xidigaha iyo meerayaasha hawada

Xawaaraha iftiinka
Si loo sheego dhererka walxaha wal cireeyada hawada sare waxaa la adeegsadaa xawaaraha iftiinka uu ku socdo. Halkii ilbiriqsi wuxuu iftiinku jaraa 7,5 wareeg oo dhulka dunida lagu sameeyo. Fogaanta u dhexeysa dhulka iyo qoraxda waa 149,6 ˇ 106 km kaas oo u dhigma 8 daqiiqo iyo 14 ilbiriqsi.

Socodka iftiinka ilbiriqsigii
Iftiinku wuxuu halkii ilbiriqsi socdaa fogaan dhan 299 792 458 m.
1 ilbiriqsi = 299 792 458 km.

Socodka iftiinka daqiiqaddii
Iftiinku wuxuu halkii daqiiqo jaraa fogaan dhan 17 987 547 480 m.
1 ilbiriqsi = 17 987 547 480 km.

Socodka iftiinka saacaddii
Iftiinku wuxuu halkii saac jaraa fogaan gaareysa 1 079 252 848 800 m.
1 saac = 1 079 252 848 800 km.

Socodka iftiinka sanadkii
Iftiinku wuxuu halkii sano jaraa fogaan dhan 9 460 730 472 580 800 m.
1 sano = 19 460 730 472 580 800 km. Xiddigga ugu dhaw (markii laga talo qoraxda), Alfa centauri, wuxuu noo jiraa qiyaastii 4,3 sano oo iftiin ah.

Halbeegga falagga - AE
Halbeegga falagga waxaa Ingiriis ahaan loo soo gaabiyaa: 1au
1 AE =149,59787 ˇ 109 m ama qiyaas ahaan 150 Gm.

1 sano oo socodka iftiin ah = 63 240 ua = 9,4605 ˇ 1015 m.

Parcek - pc
30,8568 ˇ 1015 m

1 pc= 206 264,8 au = 3,26 sano oo socodka iftiin ah.



Halbeegyada cabbirka dhererka oo ingiriis ah
Dadka dalka Ingiriiska deggan waxay xiiseeyaan isticmaalka caadooyinka iyo dhaqamadii hore. Sidaas daraadeed dadka Ingiriiska waxay doorteen in ay hesytaan cabbirkii hore, ayada oo Yurubta inteeda kale ay qaateen nidaamka cabbirka ee mitirka.