2.1 Macnaha erayga dherer

Kan ugu dheer iyo kan ugu gaaban

Halkan waxaad ku aragtaa saddex qalin. Ma sheegi kartaa mid ugu dheer iyo kan ugu gaaban?


Haddii aan is dul saarno saddexda qalin, waxaa noo fududaaneysa inaan ogaano midka ugu dheer iyo kan ugu gaaban.


Waxaan halkan ku aragnaa in qalinka hurdiga ah (orange) ee dhexda yaala uu yahay midka ugu dheer. Qalinka buluuga ah ee dhinaca midig yaala wuu ka gaaban yahay qalinka hurdiga ah, wuuna ka dheer yahay qalinka cagaarka ee ka xiga dhinaca midigta.



Halbeegyada
Waxaa la isticmaali jiray halbeegyo badan oo kala duwan, intii aanan lagu heshiinin in halbeegga dhererka lagu cabbiro ee meter-ka. Waxaad casharkii taariikhda ee ka hadlaayey cabbirrada ku soo aqrisay waxyaabihii loo isticmaali jiray in wax lagu cabbiro.

Haddii aad dooneyso in aad ogaato tusaale ahaan dhererka u dhexeeya laba meelood ama dhererka miiska yaala gurigaaga, waxaad isticmaali kartaa halbeeggii aad rabtid. Waxaad isticmaali kartaa walaxdii aad doonto in aad wax ku cabbirato. Sida ka muuqada sawirka, waxaa la isticmaalay rimuutka TV-ga.

Immisa ramuut ayuu miiskaagu la egyahay?


Foto: Fredrik Enander

Qiyaastii wuxuu la egyahay 6 ramuut, 6r.



Sida aad halkan ka fahmi kartid waxay ahaan laheyd arrin dhib badan in qof walba uu isticmaalo halbeeg isaga u gooni ah. Sidaas daraadeed waxay dunidu heshiis ku gaartay in la isticmaalo hal halbeeg oo isku mid ah loona bixiyey: 1 mitir. Casharada soo socda ayaad ku baran doontaa halbeegga mitir.