1.2 Taariikhda
Bani'aadanku waxay berigii hore wax ku cabbiri jireen iyaga oo isticmaali jiraa xubnaha jirka bani'aadanka sida talaabo, taako, cag, dhudhun ama faraha.

Waxay aheyd arrin farsamo ahaan sax ah in qofku uu isticmaalo xubnaha jirkiisa, laakiin ma siineynin cabbir leh qiimo sax ah. Laakiin haddii aad fiiriso dhererka qofka bani'aadanka ah waxaad arkeysaa in dhererka cagtiisu uu la egyahay qiyaas ahaan lix meelood hal meel oo ka mid ah dhererka qofka.

4 500 sano ka hore waxay Masaaridii hore isticmaali jireen in ay cabbiradooda ku saleeyaan halbeegga dhererka cagta, taas oo markii dambena loo sii kala qeybiyey dhowr cabbir oo ka sii yaryar.

Dhamaadkii qarnigii 18-naad ayaa waxaa heshiis lagu gaaray dalka Faransiiska, heshiiskaas oo dhigaayey in meter-ka uu noqdo halbeegga lagu saleeyo cabbirka dhererka. Hal meter waxaa lagu macneeyey in uu la egyahay meel ka mid ah toban milyan oo meelood (1/10 000 000) marka loo qeybiyo dhererka u dhexeeya cirifka wuqooyi ee dunida iyo xariiqda baraha ee dunida. Dhererka u dhexeeya labadan meelood waa 10 000 km. Fogaanada aadka u dhaadheer waxaa la adeegsadaa iftiinka, waxaana lagu qeexaa fogaanka uu iftiinku socdo 1/299 792 458 ilbiriqsi (ilbiriqsi loo qeybiyey 299 792 458).