1.1 Horudhac
In la ogaado dhererka ama fogaanta u kala dhexeysa laba meelood waa arrin muhiim ah. Inta uu la egyahay dhererka walax ama shey waa arrin kale oo muhiim ah.



Carwada loo yaqaano Gröna Lund ee magaalada Stockholm ee maaweelada loo aado, waxa ay leedahay dhismo minaarad ah oo aad u dheer oo la fuulo, ayada oo la raacayo wiish ku xiran minaaradaas. Dhererka dhismahaasi waa 80 m. Si laguugu ogolaado in aad raadco wiishkaas waa in uu dhererkaagu u dhexeeyaa 140 cm iyo 195 cm.


Foto: Gröna Lund




Tabeelaha sawirkan waxaa ka muuqda fogaanta u dhexeysa laba magaalo, fogaantaas oo lagu sheegay halbeegga kiilomitir.


Foto: Fredrik Enander




Ma ogtahay in dhererka u dhexeeya dhulka iyo qoraxda uu yahay 149 600 000 km?

Dhererkaasi wuxuu u dhigmaa 3 470 jeer oo lagu soo wareego dunida oo dhan.

Bild: Fredrik Enander