3.1 Sida loo sawiro garaafyada
Haddii aan calaamadino baraha kala duwan ee salaxa oo aan isku xirno ayaa waxaa noo soo baxaya xariiq jiitimeed loo yaqaan garaaf. Garaaf waxaa had iyo jeer la xariiqaa marka uu jiro xiriir ka dhexeeya qiimaha dhidibka x iyo qiimaha dhidibka y. Bal aan soo qaadano hal tusaale oo ah in baraha kulan ee ku dhaca salax ay yihiin (-2, 0), (0, 2), (2, 4) iyo (4, 6).

Barahaas waxaan ku muujin karnaa shaxan qiimeedka hoose:



Aan calaamadino bar-kulan waliba ee salaxa annagoo qiimaheeda ka eegayna shaxanka sare, ka dibna aan isku xirno, waxaana noo soo baxaaya xariiq garaafeed.