1.1 Hordhac

Marka la baranaayo aljebrada iyo fansaarka waxaa muhiim ah inaad taqaano habka dhidibada salaxa iyo qaab dhismeedkooda.

Dhidibada salaxa waxaad ku arkeysaa meelo badan. Haddii aad ciyaareyso cayaarta loo yaqaan jees oo miiska yar lagu dul ciyaarayo waxaa dhinacyadiisa ku qoran xarfo iyo tirooyin kuwaas oo kuu sheegaaya halka ay joogaan madaxyada ciyaarta.


Foto: Fredrik Enander




Dhulkan aan ku dul noolnahay ee u sameysan qaabka kubadda oo kale ayaa marka la doonayo in la ogaado goobta ama meesha aan dooneyno ayaa la adeegsadaa nidaamka dhigaha iyo loolasha oo dhulka u qeybqeybiya xariiqo jiifa iyo xariiqo joog ah. Habkaas waa mid leh qiimo aan la soo koobi karin waayo waxaan ku heli karnaa goob walba ee ku taala dunida dusheeda. Waayaddii hore waxaa aad loo isticmaali jirey khariiradaha. Balse maanta dunida waxaa la adeegsadaa habka casriga ee loo yaqaan GPS - (Global Positioning System). Waxaa la oran karaa GPS waa nooc ka mid ah habka dhidibada salaxa.