1.1 Horudhac
Marka micnaha erayga isla'eg laga raadiyo qaamuuska erayada waxaa la arki karaa in eraygu uu leeyahay micnooyin kala duwan. Sida ugu fudud uguna sahlan ee loo sharaxi karo ama loo micneyn karo erayga isla'eg waa sidan:
  • isla'eg waa isla ekaansho laba weer (weedh) oo xisaab ah.
  • isla'eg waxa ay ka kooban tahay hal ama dhowr waxyaabood oo aan la aqoonin qiimahooda. Haddii ay isla'egtu leedahay hal shey oo aan la aqoonin qiimihiisa waxaa la isticmaalaa xarafka x.
Tusaale:

5x + 2 = 18

Xarafka x waa tiro aan la aqoon inta ay la egtahay. 5x + 2 waxay la egtahay 18, waana isla'eg.




Qaaciddooyinka iyo isla'egyada

Qaaciddooyin badan oo loo adeegsado cilmiga seyniska ayaa waxaa loo qoraa qaab isla'eg ah. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa marka aan xisaabineyno mugga kubadda. Mugga kubadda waxaa qaaciddo ahaan loo qoraa sidan hoose:
Foto: Specialpedagogiska institutet, Multimediabyrån





Isla'egyada iyo qaaciddooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah midkii uu keenay aqoonyahankii Einsteins E = mc2, taas oo uu ku sharaxay sida loo xisaabo tamarta, ileyska iyo cufka.


Bild: Torben Freytag





Waxaan qaaciddooyinka ku baran doonaa cutubka la yiraahdo Qaaciddooyinka iyo Fansaarka (Formler och funktioner).