5.1 Fansaar ma qumane
Fansaarka noocan ah waa uu ka duwan yahay fansaaradii aan horey u soo aragnay.

y = x2 - 4

Sida aan halkaan ugu jeedno doorsoomaha-x waxaa ku jibaarran 2. Sidaasi daraadeed fansaarada noocaan ah waxaa loogu yeeraa fansaarada darajada ama heerka labaad.

Haddaba sidee buu u ekaanaynaa fansaarka heerka labaad? Waxaan isku dayeynaa:


Waxaan ku bilaabaynaa inaan soo qaadano dhowr qiime ee x kadibna aan ku qorna jawaabta jaantuskan qiimaha:



Waxaan dhidibyada sallax ku muujinaynaa garaaf xariiqeed innagoo marka hore calaamadinayna baraha kulannada ka dibna isku xirayno.



Marka xariiq garaafeedka ee fansaarka heerka labaad lagu muujinayo dhidibyada sallaxa waxaa muhiim ah inaan ogaano in xariiqda soo baxaysa in uusan xariiq toosan aheyn. Horey waxaan u soo baranay in fansaarka quman uu yeelanayo oo qura xariiq toosan. Fansaarka heerka labaad waxa uu leeyahay waxyaabo u gaar ah ee lagu garto sida:

  • Waxaa jira qiimo ugu sarreeya iyo mid ugu hooseeya oo y-da ay dhaafi karin. Tusaalihii aan xagga sare ku soo aragnay fansaarku waxa uu lahaa qiimaha ugu hooseeya. Waxa go'aanka ka gaara qiimaha uu yeelanayo inuu noqdo midka ugu sarreeya ama kan ugu hooseeya waa qiimaha-k oo weliba loo eegaayo inay togane ama tabane tahay. Qiimaha -K ee togan ayaa ina tusa qiimaha ugu yar ee ku dhaca dhidibka-y. Halka qiimaha -K taban ayaa ina tuseyso qiimaha ugu weyn ee ku dhaca dhidibka-y.

    Haddaad doonaysid inaad dib ugu noqotid waxa loola jeedo qiimaha-k waxaad ka eegi kartaa bogga 4.2.

  • Qiimo kasta ee la siiyo y waxaa u dhigmaaya labo qiime oo x. Taasina waa mid ay u hogaansamaan dhamaan fansaarada heerka labaad. Waxaase ka baxsan nidaamkaas qiimaha ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya.