4.1 Isticmaalka qaacidooyinka iyo fansaarada
Waxaa muhiim ah in la ogaado qiimaha doorsoomaha aan la aqoon ee ku dhex jira fansaarka, gaar ahaana marka la ogyahay qiimayaasha kale. Waxaa dibadda looga soo saaraa fansaarka qiimaha aan la aqoonin.

Waxaan eegeynaa labo tusaale iyo qaaciddooyinka la raaciyo oo aan u adeegsan doono xisaabinta kala duwan isla markaana waxaan tixgelin siinaynaa doorsoomayaasha aan naqaano:


Halkan waxaa ku qoran qaaciddo caan ah oo loo adeegsado marka la xisaabinayo xawaaraha.

v: xawaaraha
s: fogaanta
t: waqtiga

Qaaciddada waa sidaan:

v =
s
t

Haddaan naqaano dhererka fogaanta la jaray iyo waqtiga ay ku qaadatay waa ay fududahay xisaabinta xawaaraha.
 



Tusaale:

s = 240 km
t = 3 h


v =
240
= 80 km/h
3


Haddii aad taqaano xawaaraha iyo waqtiga way sahlan tahay inaan xisaabino dhererka fogaanta la jaray.

v = 70 km/h
t = 2,5 h

Doorsoomaha dahsoon ee naga maqan waa dhererka fogaanta s (fogaanta). Sidee ku heli kartaa dhererka fogaanta?

Waxaan ku bilaabaynaa inaan la soo baxnno fogaanta, s:

s t
v t =
Waxaan labada dhinac ku dhufaneynaa t.
t

s = v t

Markaas kadiba waxaan heleynaa
s =
70 2,5
s = 175 km




Qaaciddo kale oo inta badan aan ku aragno xisaabta joometeriyada kana hadlaysa xisaabinta wareega leydiga:

h: joogga
b: salka
O: wareega

O = 2h + 2b


Haddii aad taqaanid salka iyo joogga uu leeyahay leydi markaas way fududahay xisaabinta wareega, laakiin su'aashu waxay tahay sidee baa loo xisaabiyaa marka laguu sheego cabbirka joogga iyo salka? Bal aan soo qaadano hal tusaale:

O = 38 cm
b = 9 cm

Aan gelino qiimo walba gudaha qaaciddada:

38 = 2h + 2 9
38 = 2h + 18
38 - 18 = 2h + 18 - 18
20 = 2h
h = 10 cm

Jawaab: Joogga leydiga waxaa uu noqonayaa 10 cm.