1.2 Taariikh
Meeshii ugu horreysay ee lagu isticmaalo tirada taban waxay aheyd Laatiin Ameerika waxayna ahaayeen qowmiyadda Maya kuwii keenay isticmaalka tirooyinka taban sanadihii u dhexeeyey 200 - 900 Ciise hortii.

Meelaha kale ee dunida laga isticmaalay tirooyinka taban waxay ahaayeen Shiinaha iyo Hindiya. Waxaana tirooyinkaas taban loo qori jiray siyaabo kala duwan.


- Shiinaha 4 tiro taban   4 tiro togan
     
   
Dalka Shiinaha waxaa tirada togan lagu qori jiray midab madow tirada taban guduud.
   
- Hindiya tiro taban   4 tiro togan


Dalka Hindiya waxaa tirada taban lagu dul qori jiray bar lagu garto, halka tirada togan loo qori jiray sida caadiga ah.



Dalalka Yurub waxay bilaabeen isticmaalka tirooyinka taban qarnigii 15-naad, dalka Ingiriiska waxaa laga bilaabay qarnigii 18-naad. Aqoonyahanno badan oo dhinaca xisaabta ah ayaa waqti dheer diidanaa isticmaalka tirooyinka taban, waxayna tirooyinkaas taban ku magacaabi jireen "tirooyinka aan macquulka aheyn" ama "tirooyinka beenta ah". Waxayna aqoonyahannadaasi sheegeen in tirooyinka taban ay yihiin kuwa dhibaato u keenay maaddada xisaabta.