8.1 Tirada yar oo lagu tibaaxo erayo
Maxay tahay tiro yar?

Inta aynaan bilaabin ka hadalka tiro yar, waa in aynu go'aaminnaa waxa aynu ula jeedno tiro yar.  Tiro yar waxaynu ku qeexaynaa dhammaan tirooyinka togan ee ka yar 1 kuwaas oo loo qori karo tobanley dhammaad leh. Ogow in ay tani tahay qeexiddeenna oo aysan ahayn qeexid guud oo ku saabsan tirooyinka yar.

Tirooyinka u dhexeeya  0 iyo 1 waxaa loo akhiriyi karaa laba siyaabood.

In la yiraaho: "eber hakad ....  ama loo akhriyo sida qaybo".

Halkaan waxaynu kusoo bandhigaynaa sida loo akhriyo tiro u dhexaysa 0 iyo 1 oo ah sida ay qaybuhu isugu xigaan.



Tusaale 1



Tirada 0,367 waxaa loo akhriyi karaa:

  • "0 hakad 367"
  • "367 kumeed"

Haddii la doorto in tirada lagu qeexo qaybo waxaa badanaaba la adeegsadaa habka dambe marka lagu dhawaaqayo tirada, sida "367 kumeed".

Xeer-xusuuseed wanaagsan oo la raaci karo marka habkan la adeegsanayo waa iyadoo la eego lambarka tirada ugu dambeeya ka dibna la fiiriyo qaybta lambarku yahay. Tusaalaha kore lambarku waa 7, qiimihiisuna waa kumeed. waxaynu haysannaa 367 xabbo oo kumeed ah.  



Tusaale 2



Lambarka ugu dambeeya ee tirada kore waa 5 taasoo la mcna ah toban kumeed. Waxaynu haysannaa  45 xabbo  toban kumeed ah, tiradana waxaa loo akhriyaa "45 toban kumeed".