1.1 Taariikhda Jajab-tobnaale
Adeegsiga jajab tobanale weligiiba ma ahayn mid fufud. Waxaa la rumeeynsan yahay in Shiinuhi ay ahaayeen dadkii ugu horeeyey oo adeegsada xisaabta jajab tobanalaha waxayna ku aadanayd qarnigii 3aad. Yurub waxay soo gaaadhey waqti dambe oo ku beegnayd qarnigii 15-naad. Wadankaan Iswiidhan waxaa la bilaabay in la adeegsado jajab tobanlaha sanadkii 1625.

Bilawgii qarnigii 16-naad ayey ahayd markii ugu horeeysay ee wadankan Iswiidhan la keenay buugagta xisaabta laga barto oo ku qornaa afka laatiinka. Buugaagtaa xisaabta berigaa la keenay waxaa ku qornaa oo qura jajabka caadiga tusaale ahaan marka tiro idil ama dhan la qayb qaybiyo lagana dhigo tirooyin yar yar. Waxay ku beegnayd qarnigii 18-naad markii buugagata xisaabta ee wadankaan Iswiidhan lagu soo daray jajab tobanle.