8.1 Xeerarka kala hormarinta xisaabfalada

Iskugeyn iyo kalagoyn
Sidee ayaad u xisaabin lahayd tirooyinkan soo socda iyadoo la waafajinayo a ama b?

Shan iyo toban laga jaray todoba ka dibna loo geeyey saddex.
15 – 7 + 3 = ?

a) 15 – 7 + 3 = 8 + 3 = 11

b) 15 – 7 + 3 = 15 – 10 = 5

Xusuusnoow had iyo jeer in calaamadda tiro weliba ay leedahay in lagu qoro tirada horteeda.

Jawaabta su'aasha waxay noqoneysaa 15 - 7 + 3 = 8 + 3 = 11

Marka laga shaqeynaayo iskugeynta iyo kalagoynta sida ay u qoran yihiin ayaa looga shaqeeyaa.




Isku dhufashada iyo isku qeybinta
Maryan waxay dooneysaa inay iibsato hal shukulaato oo Daim ah oo qiimaheedu yahay 12 kr iyo laba nac nac oo midiiba qiimihiisu yahay 5 kr. Haddaba waa immisa lacagta laga rabo Maryan?


Foto: Fredrik Enander

Haddaba u qor qaab xisaabeed iibsashada Maryan.

Jawaab: 12 kr + 2 5 kr = 12 kr + 10 kr = 22 kr


Tusaalahan aan xagga sare ku soo aragnay waxaa la adeegsaday iskugeyn iyo isku dhufasho. Sida dhabta ah waxaa laga yaaba in mugdi naga geli lahayd habka xisaabinta haddaan arki lahayn mas'alada kaligeed. Taasoo sida dhabta ah sax ah?

a) 12 + 2 5 = 14 5 = 72

b) 12 + 2 5 = 12 + 10 = 22

Waxaad u fikiri kartaa sidan oo kale:

Waxaad wax u soo iibsan kartaa sidan:

  • Shuklaato waa 12 kr
  • Laba nac nac midkiiba waa 5 kr

Soo dejinta xisaabta waa: 12kr + 5kr + 5kr = 12kr + 2 5kr = 22kr

Jawaabta waa 22 oo ah midda saxda ah!

a) 12 + 2 5 = 14 5 = 72

b) 12 + 2 5 = 12 + 10 = 22

Jawaabaha kala duwan ee su'aasha xagga sare ay yeelaneyso waxaa xukuma nooca makiinadda xisaabta aan heysano, sida makiinadda xisaabta ee caadiga ah, ama kuwa sida aadka u heer sareeya wax u xisaabiya. Kuwa aadka u sareeysa waxay awoodaan inay u xisaabiyaan si sax ah sida tirooyinka ay isugu xigaan. Makiinadaha caadiga waxay u xisaabisaa si kooban habka isku xigitaanka tirooyinka. Iska hubi sida ay makiinaddaada xisaabta ay tirooyinka isku xigga u soo bandhigto.


Maxaad u maleyneysaa in laga yeelaayo isku qeybinta iyo iskugeynta?

Sideed u xisaabineysaa ”sodan iyo lix laga jaray toban iyo labo barkeed”?

36 – 12 2 = ?

Labadan mid baa sax ah haddaba kee baad u maleyneysaa?

Halkan waxaan ku aragnaa in isku qeybinta laga hormariyo kalagoynta.

Jawaabtana waxay noqoneysaa:

36 – 12 2 = 36 – 6 = 30



Jibbaarada iyo xididada
Haddaba jibbaarada iyo xididdada iyaguna sidee baa laga yeelayaa? Waxaan fiirineynaa dhowr tusaale, ma sheegi kartaa waxa la rabo in la sameeyo?

a) 3 + 2 = 3 + 2 = 3 + (2 2) = 3 + 4 = 7

b) 4 3 = 4 (3 3) = 4 9 = 36

c) 8 + = 8 + 3 = 11

d) 8 = 8 4 = 2



Calaamadda Hormo (qaansooyinka)
Waxaa jira farqi u dhexeeya sida calaamadda hormo (qaansada) loogu isticmaalo xisaabta iyo qoraalka caadiga ah. Xisaabta waxaa horsanaha lagu muujiyaa in la soo hormariyo.

Aan soo qaadano tusaalaheenii aan horey uga soo shaqeynay, si aan u baranno sida looga shaqeeyo iskugeynta iyo kalagoynt. Isku day inaad ka shaqeysid kuwan:

a) 15 – 7 + 3 = ?

b) 15 – (7 + 3) = ?

Jawaabtu waxay noqonaysaa sidatan:

Xisaabta aan wadan qaanso waxaa laga bilaabaayaa dhinaca bidix waxaana shaqada loo wadaayaa dhinaca midig.

a) 15 – 7 + 3 = 11

Waxaa marka hore laga shaqeynaayaa xisaabta ku jirta qaansada
b) 15 – (7 + 3) = 5

Isla sharcigaas oo kale ayaan u isticmaalayna isku dhufashada iyo isku qaybinta:

(12 + 3) 4 - 6 2 =

15 4 – 3 =

60 – 3 = 57

Xisaabta ku jirta horsanaha (qaansada) ayaa laga hormariyaa xisaabaha kale oo dhan.