1.1 Horudhac
Waa hubaal in aad maqashay ayada oo laga hadlaayo afarta qeybood ee xisaabta. Marwalba oo aan wax xisaabineyno waxaan adeegsanaa afartaas siyaabood mid ka mid ah. Mana jiro si kale oo wax loo xisaabo.

Waxaa laga yaabaa in aad afartaas qeybood ee wax loo xisaabiyo aad u taqaan:
  • lagu daray
  • laga jaray
  • lagu dhuftay
  • loo qeybiyey


Afartan qeybood ee xisaabta waxaa leysku yiraahdaa aritmetiks, oo lagu barto tirooyinka iyo astaamaha. Haddii uu ardaygu barto afartan qeybood ee xisaabta waxaa u fududaanayso barashada qeybaha kale ee maaddada xisaabta.