1.1 Horudhac
Itimaal waa eray aad maqashay oo la xiriira ciraayaha iyo tartanka. Erayga itimaal waxa uu tilmaamaa siyaabaha ay wax u dhacaan. Itimaal waa fursadda jirta ee ay wax ku dhici karaan. Waxaan halkan ku soo qaadaneynaa dhowr xaaladood oo tilmaamaaya erayga itimaal:

A. Intee ayey la egtahay fursadda aad ku guuleysan karo marka la wareejiyo saxanka baqtiyaanasiibka ee ka muuqda sawirka midig?


Foto: Fredrik Enander
 

B. Intee ayey la egtahay itimaalka ama fursadda in mar uun dalka Iswiidhan uu ku guuleysan doono ciyaaraha kubadda cagta ee dunida?


Foto: Fredrik Enander
 

C. Intee ayey la egtahay fursadda in qofka tartanka ciyaarta laadhuuga kugula jira uu ku keeni karo laba mar oo isku xiga oo min lix ah?


Foto: Fredrik Enander
 


Tusaalayaasha A iyo C waxaa xisaab ahaan laga shaqeyn karaa itimaalka dhacdada iyo inta ay ka egtahay fursadda ay dhacdadaas ku dhici karto. Laakiin tusaalaha B arrintaasi waa mid aanan suuro gali karin. Qofna ma sheegi karo inta ay la egtahay fursadda ay Iswiidhan ku guuleysan karto tartanka kubadda cagta ee dunida. Waayo waxaa jira arrimo iyo qodobo badan oo saameyn ku leh arrintaas.

Tusaalaha B waa tusaale nooca loo yaqaanno "itimaalka aan isku qaabka aheyn", oo loo adeegsado habab kale.