4.1 Noocyada kala duwan ee garaafyada
Garaaf sidiisaba waa sawir ama jaantus soo bandhiga ama muujiya jawaabta ka soo baxday xog raadin la sameeyey. Marmarka qaarood garaafyada waxaa loo isticmaalaa in sawir naga dahsoonaa ay naga siiyaan xaaladda dhabta ah ee jirta amaba hawl baaritaan ah ee la soo sameeyey soo bandhigeeda. Dhinaca kale waxaa muhiim ah in la ogaado in garaaf loo isticmaalo ujeedooyin kala duwan sida ganacsiga, bal ka soo qaad in qolo ay doonayso in ay suuq geeyaan badeecad ay soo saareen, waxaa la isticmaalaa laguna xoojiyaa suuq geynteeda nidaam garaafeed, waxaana wanaagsan in aan been abuurasho loo isticmaalin garaaf.

Sidaasi daraadeed waxaa muhiim ah in la aqrin karo lana fahmi karo garaafka. Soo maha muhiim inaad si taxadir ah isaga eegto garaafka si aan laguu qiyaanin?

Garaafka waxaad ku aragtaa maalin waliba meelo badan sida wararka idaacadaha, wargeeysyada, iyo iidhehda. Waxaa jira noocyo kala duwan ee garaafyo ah, nooc walbana waxaa loo adeegsadaa meel ku haboon iyo ujeeddooyin kala duwan.

Waxaan ku arki doonaa xagga hoose annagoo sharaxeyna noocyada kala duwan ee garaafyada:



Garaaf jiitimeed

Garaaf joogeed

Garaaf xariiqeed










Garaaf goobeed
Garaaf sanduuqeed