4.1 Joometiriyada duleedka
Casharkan waxaan ku eegaynaa walxaha ama qaababka ugu muhiimsan ee xajmiga leh (oogooyinka saddex dhidib ku taagan). Haddaad dooneysid inaan wax badan ka baratid joometiriyada duleedka iyo xisaabinta mugga ay qaababka kala duwan ay leeyihiin waxaad akhrisan kartaa cutubka ka hadlaayo Mugga.




Saddexjibbaarane
Saddexjibbaarane waxaan dhihi karnaa waa sanduuq leh lix dhinac. Salka bedkiisana waxa uu yeelan karaa qaab leydi ama labojibbaarane.

Mugga = a · b · c

Bedka oogadiisuna = 2ab + 2bc + 2ac




Sedjibke
Waa saddexjibbaarane ka kooban lix weji oo isla'eg. Weji walba waxa uu leeyahay qaab labajibbaarane.

Mugga = s · s · s = s3

Bedka oogadiisuna = 6s2





Dhululubo furan
Dhululubo waxay leedahay oogo wareegsan muggeeduna waxaa lagu helaa isku dhufashada joogeeda iyo bedka salka.

Mugga= Bedka salka · jooga

V = p · r2 · h

Bedka wareega= 2rph

Bedka oogada wareega = 2pr2 + 2rph




Koor
Koor waa walax leh qaab oogo wareegsan. Salkeeduna waxa uu leeyahay qaab goobo ah, oo ay ku fariisato iyo qaab guud oo u eg sida koorta.

 
Bedka salka · jooga
 
p · r2 · h
Mugga=
=
 
3
 
3

Bedka wareega = prs

Bedka oogada oo dhan= pr2 + prs





Ahraamta
Ahraamta waa walax leh sal, salka ay ku fadhiyaana waa mid leh qaab afargeesle ah. Waxaana guud ahaan ay leeyihiin bededka dhinacyada iyo bedka salka.

 
Bed kasalka · jooga
Mugga =
 
3

Bedka salka ahraamta waxay yeelan karaan qaabab kala duwan sida saddexagal, leydi iyo shangeesle.




Bariismaha toosan
Bariisamaha waxa uu leeyahay qaab dhululabo balse leh geeso dhawr ah. Mida kale bariismaha waxa uu leeyahay bed saleed u sameysan geesoolayaal. Bariisamaha toosan dhamaandhinacyadiisa waxay la sameeyaan xagal quman salka uu ku fadhiyo

Mugga = Bedka salka · joogiisa





Kubbad (goobaaban)
Waa walax kasta oo leh qaabka kubadda, lehna oogo goobaaban. Waxaa qaababka noocaas ah loo yaqaanaa qaabab kubaddeedyo.

Muggooduna waxaa lagu xisaabiyaa qaacidadaan:

 
4 · p · r3
Mugga =
 
3


Bedka = 4 · p · r2