3.1 Saddexagallo
Saddexagal waa qaab geesoole leh saddex gees iyo saddex dhinac. Halkaan waxaan ku arkeynaa sawir saddexagal iyo magacyada muhiimka ah ee saddexagal uu leeyahay.

Kani waa saddexagal ABC.

  • Xagasha A waxaa loo yaqaan xagasha sare.
  • Xagasha B iyo xagasha C waxaa loo yaqaanaa xaglo saleedyo.
  • Jooga waa xariiqa ka timaada xagasha sare lana sameeysa xagal quman salka saddexagalka.

Saddexagal siman
Saddexagal siman waxa uu leeyahay saddex dhinac oo isle 'eg.

AB = BC = AC

Waxaa kaloo uu leeyahay saddex xaglood oo ise'eg.

ΛA = ΛB = ΛC = 60º






Saddexagal labaale
Saddexagal labaale waa marka saddexagal uu leeyahay laba dhinac oo isle'eg.

AB = AC

Saddexagal labaale waxaa kaloo uu leeyhay labo xaglood oo isle'eg kuna dhaca xagga hoose ama salka.

ΛB = ΛC

Xagasha ugu weyn waxaa loo yaqaana xagal koreed.





Saddexagal quman
Saddexagal quman waa saddexagal leh hal xagal oo quman.

Dhinaca ugu dheer saddexagalka ee isku xira labada dhinac ee kale waxaa loo yaqaanaa shakaal.





Xeerka Bitogaras
Waxa uu leeyahay labajibbaarka shakaalku waxa uu la 'eg yahay wadarta labajibbaarada labada dhinac ee kale.
dhinac2 + dhinac2 = shakaal2





Saddexagal furan
Waa saddexagal leh xagal ka weyn 90° kana yar tahay 180°.





Saddexagal fiiqan
Waa saddexagal xaglihiisa ay ka yar yihiin 90°.





Wareegga saddexagalka
Wareegga saddexagalka waxaa lagu helaa isugeynta saddexdiisa dhinac.

O = a + b + c





Bedka saddexagalka
Saddexagal sidiisaba waxa uu abuurmaa marka leydi la kala baro, sida ka muuqata sawirka.

Sida aan ku aragno sawirkaan dhinaca midig saddexagal waxaa uu leeyahay xagal quman.

Bedka leydi waxaa lagu helaa marka salka iyo joogiisa lays ku dhufto. Bedka leydi marka laba loo qaybiyo ayaa waxaa uu la mid yahay bedka saddexagal. Tusaale ahaan:
(3,5 · 4,5) ÷ 2 ≈ 7,9 cm2