1.1 Horudhac
Dhinac walba oo nagu wareegsan oo agagaarkeenna ah waxaan ku aragnaa xaglo. Haddii aan la aqoon sida loo cabbiro ama loo xisaabo xaglaha waxaa markaas, tusaalo ahaan, dhici laheyd in guryaha iyo dhismooyinku noqon lahayeen kuwa aanan toosneyn.



Marka aan dhiseyno guryaha, waddooyinka, buundooyinka i.w.m waxaan isticmaalnaa xaglo.

 


 
Foto: Fredrik Enander





Dhismaha qalcadda dheer ee ku yaala magaalada Pisa (dalka Talyaaniga), ee uu dhererkiisu yahay 55 mitir, waa dhismo janjeera oo qalooca, taasna waxaa sabab u ah qalad ka yimid markii la dhisaayey.

Caadiyan marka la dhisaayo guryaha waa in derbiyadu ay ahaadaan kuwa ku qotoma oo xagal quman la sameeya dhulka.


Foto: Fredrik Wall




Illaa iyo maanta waxaa la isticmaalaa xaglo iyo fogaan marka aan ku dul safneyno badaha ama la aadaayo dayaxa iyo xidigaha.

 


Foto: Fredrik Enander