1.2 Taariikhda
Horumarka la xiriirla halbeegyada wax lagu cabbiro waa mid dhowr kun oo sano ka hor bilowday. Waagii Vikingiga waxaa lacagta lagu miisaami jiray qalabka loo yaqaano miisaanka, ayada oo ay muhiim aheyd in la ogaado inta uu la egyahay culeyska lacagta, birta laga sameeyey iyo sida ay nadiif u tahay.

Halbeegga ugu cimriga dheer ee loo adeegsan jiray culeyska waa Mark. Inta uu hal mark la ekaa ma aheyn mid sugan oo waxay aheyd mid marmar badan isbebedashay. Waagii Viking-ga waxaa kaloo jiray halbeegyo badan oo loo adeegsan jiray culeyska iyo miisaanka. Markii dahabka iyo silferka lagu miisaamaayo Mark waxaa la isticmaali jiray cabbir la eg 210 garaam oo berigaas ka yaraa hal mark.

Halbeegyadiik ale ee la isticmaali jiray waayadii Vikingiga waxaa ka mid ahaa rodolka maraakiibta oo la ekaa 170 kg, iyo cabbiro kale oo la kala ekaa 8,5 kg, 425 g, 13 g (26,3 g haddii uu silfer yahay, iyo 28 g haddii uu dahab yahay).

Iskudaygii ugu horreeyey ee suurta geliyey in la helo nidaam mideysan oo loo adeegsado halbeegyada culeyska waxa uu ka dhacay dalka Faransiiska, gaar ahaan xilligii uu jiray kacaankii Faransiiska ee sanadkii 1789.

Markii uu kordhay wax soosaarkii beeraha isla markaana uu batay badeecada ganacsiga waxaa la arkay in baahi weyn loo qabo in la helo nidaam mideysan oo halbeegyada ah. Gaar ahaan halbeegyada dhererka, culeyska iyo mugga. Ayadoo berigii hore la adeegsan jiray halbeegyo kala duwan, taas oo dhalisay dhibaatooyin badan.

Dhamaadkii sanadihii 1790-maadkii ayaa waxaa halbeegga kiilogaraam lagu fasiray in uu la egyahay hal desimitir oo saddex jibbaaran oo biyo nadiif ah. Fasiraadaan waxaa markii dambe la ogaada in ay qalad tahay, waxaana sanadkii 1889 lagu bedelay culeys lagu wada heshiiyey (90% birta Platina iyo 10% birta Iridium).