1.1 Horudhac

Miisaanka wax lagu miisaamo wuxuu ahaa waqtiyadii ugu dambeeyey qalab laga helo guryaha oo idil. Waxaana qalabkaas miisaanka ah loo isticmaali jiray cunto diyaarinta, rooti dubidda i.w.m. Miisaanka ka muuqda sawirka waa noocii la isticmaali jiray dhamaadkii qarnigii 19-naad.


Foto : Fredrik Enander





Waxaa marmarka qaar lagu tartamaa qofka qaada culeyska ugu badan, sida ka muuqata sawirka.

Bild: Torben Freytag




Buundooyinka qaarkood ma qaadi karaan baabuurta aadka u culculus. Calaamadda ka muuqda sawirka waa mid ogeysiineysa wadaha baabuurka inta ay waddadu qaadi karto culeys ahaan.


Foto : Fredrik Enander




Dad badan ayaa ka fikira culeyskooda. Waxayna noqon kartaa arrin fiican iyo mid aan fiicneyn. Dunida maanta culeyska qofku waa arrin leh muhiimad aad u weyn, arrintaas oo noqotay mid muujineysa arrin la xiriirta caafimaadka qofka.


Foto : Fredrik Enander