1.1 Horudhac
Waqti waa walax qayaali ah oo aan lagu sheegi karo dareenka bani'aadanka, mana aha waqtigu wax aan taaban karno. Erayga waqti bani'aadanka ayaa alifay waana arrin ay aqoonyahannada cilmiga iyo falsafiyiintu ay muddooyin ku badan mashquulsanaayeen.

Waxaa la oran karaa waqti waa fogaanta u dhexeysa laba dhacdo.



Waqti waa walax saameyn ku leh jiritaankeenna.

Saacada ayaa naga caawinta in iogaano waqtiga.

Foto: Fredrik Enander



Gaadiidka sida basaska, tareennada, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomanka waxay ku socdaan waqti cayiman.


Foto: Fredrik Enander



Waxaan marmarka qaarkood aragtaa dadka oo u dabaaldegaayo waqtiga ay dhasheen. Immisa sano ayuu buuxiyey qofka la siiyey doolshadaan toortaha ah?


Foto: Fredrik Enander



Saacadda baabuurka ee sheegta xawaaraha socodka waxaa laga arki karaa dhaqsaha uu baabuurku ku socdo.


Foto: Fredrik Enander