1.1 Hordhac
Marmarka qaarkood si ay noogu cadaato xaaladda dhabta ah ee walax ay ku sugan tahay isla markaana loo arki karo ayaa lagama marmaan ah in shaygii la weyneeyo ama la yareeyo. Si loo caddeeyo inta jeer ee walaxda la yareeyey ama la weyneeyey ayaa waxaa la soo dejiyey Iskeelka oo ah qaybta ka hadasha qiyaasaha cabbiraadda.

Yareeynta iyo weyneeynta ayaa waxaan ku aragnaa meel walba.

Qariiradda ayaa tusaale cad u ah yareeynta lagu sameeyn karo xaalad dhab ee jirta.

Qariiradaha waxaa lagu dhisaa hab cabir qiyaaseed kala duwan ee loo yaqaano iskeel.

Foto: Fredrik Enander




Aaladda weyneysada ayaa waxa ay noo suurtogelisaa inaan arki karno xajmiga saxda ah ee bakteeriyada iyo unugyada jirkeena oo runtii ah kuwo aad iyo aad u yar yar oo aan lagu arki karin indhaha caadiga ah.


Foto: Fredrik Enander




Makiinadda fotokoobiga ee warqadaha lagu sawiro ayaa waxay awood u leedahay in lagu yareyn karo ama lagu weeyneyn karo qoraalada iyo masawirada intaba.


Foto: Fredrik Enander