2.1 Halbeegga mugga

Sidaan horey u sheegnay mug waxaa loola jeedaa inta walax ay meel buuxiso ama qaado.
Dhalooyinkaan waxaa ku jira cabitaan isku mid ah balse waxay ku kala duwan yihiin wax qaadkooda. Waxaan u safeeynaa sida uu wax qaadkoodu yahay, inagoo ka bilaabeyna midda ugu wax qaad yar ee bidixda soo xigta. Mida ugu waxqaadka weyn waa tan taalo dhinaca midig ee geeska xiga.


Foto: Fredrik Enander





Imisa xabbadood oo sonkor ayaa ku jira baakaddaan, ma qiyaasi kartaa?

Sida ugu dhaqsaha badan ma inaan xabad xabad u xisaabinaa mise waa inaan raadinaa dariiqo kale ee ka dhaqso badan ?

Lakabka ugu sareeya ee baakadda sonkorta ka buuxdo waxaan ku heysanaa shan saf oo safkiiba ay ku jiraan todobo gobol oo sonkor ah. Markaas waxay noqonaysaa 5 7 = 35 xabbadood ee sonkor ayaa ku jirta lakabka koowaad.


Foto: Lennart Rönnberg

Imisa lakabyo sonkoreed ayaa ku dhex jira baakada oo dhan? Si aan taas u ogaano ayaa waxaan soo qaadaneynaa afar xabbadood oo sonkorta ah ayaan dibada uga saareyna baakada isdul saareyno sida aan sawirka ku aragno.

Markaa waxaa awoodeynaa inaan xisaabino tirada dhamaan xabadaha sonkorta.

Cadadka inta xabbo ee sonkorta = Tirada sonkorta ee ku jira lakab walba oo lagu dhuftay tirada lakabyada.

cadadka sonkorta = 35 4 = 140 st

Waxaan dhihi karnaa baakada waxay qaadaa mug ah 140 xabbadood oo sonkor ah. Haddii aan ka soo qaadno halbeega cabirka mugga inuu yahay hal xabbo oo sonkor ah waxaan leenahay mugga baakada waa 140 hal xabbo oo sonkor.

Foto: Lennart Rönnberg




Foto: Fredrik Enander







Waxaa dhici karta in walxaha kala qaab duwan inay yeelan karaan muggag isku mid ah.

Gasaca iyo dhalada ayaan u soo qaadan karnaa tusaale ahaan, waxay qaadaan mug isku mid ah waxayna leeyihiin qaabab kala duwan.


Foto: Fredrik Enander





Dhamaan seddexjibbaaranayaashaan waxay leeyhiin qaabab kala duwan balse muggag goodu waa isku mid waana 24 cm3.

Foto: Lennart Rönnberg