1.1 Hordhac
Mug waa hab wax lagu qiyaaso oo loola jeedo inta walax ay meel buuxiso ama qaado. Habka ugu sahlan ee aan ku fahmi karno macnaha erayga mug waa marka aad biyo ka buuxinayso koob. Mugga biyaha uu qaado koobka ayaa la mid ah mugga koobka. Halkaan waxaan ku arki doonaa dhowr tusaale oo ku saabsan mugga:





Dhalada weyn ayaa aad ugu qaad weyn oo lagu shuban karaa cabitaan badan.

Dhalooyinkaan qaadadkooda waa 33 cl, 5 dl iyo 1 liter.

Foto: Fredrik Enander




Hal fuusto ee shidaal ah waxay qaadaa 200 liter.


Foto: Fredrik Enander




Qofka caadiga ah waxaa jirkiisa ku jira 4,5 liiter oo dhiig ah.


Foto: Fredrik Enander