2.1 Isbarbar dhiga bededka
Isbarbardhig ku samee bededka labadaan sawir. Kee baa bed weyn? Sidee ayaa ku hubin kartaa midka leh bed ugu weyn?

Marka hore ku qiyaas indhahaaga.






Halkan hoose waxaan ku aragnaa laba sawir oo leydi ah. Kee baa weyn?
Ma kan iftiimayaa mise waa kan mugdi ah?







Marmarka qaarood ayaa laga yaabaa in qiyaasta indhaha aan ku sameyno ay qalad noqoto, si taasi aysan u dhicin ayaa waxaa wanaagsan in aan soo jarno laba sawir oo aan is dulsaarno oo markaas waxaan si fudud ku ogaaneynaa in midka cagaarka ifaaya uu ka weyn yahay kan cagaarka mugdiga ah.


1. Waxaan kan ifaaya dulsaareyna kan mugdiga.




2. Waxaan ka jareynaa qeybta dheeriga ah ee dibada u baxsan, ka dibna dhexda ayaan ka jareyna.




3. Dulsaar qeybahaas qeybta mugdiga ah oo dusha waxba ka saarneyn.



Labaduba way isla eg yihiin.




Sida runta mar walba suurtogal ma aha marka la rabo in la cabbiro bed in la soo jaro oo isbarbardhig lagu sameeyo, laakiin nasiib wanaag waxaa jira habab kale oo lagu xisaabiyo bededka oo aan ku baran doono casharka soo socda.