1.1 Hordhac
Erayga bed waxaa uu ka yimid luqada laatiinka macnihiisuna waa meel furan, salLax ama oogada. Xisaab ahaan bed waxaa loola jeeda baaxadda ay leedahay meel ama oogo.




Markaad dooneeysid inaad saqafka ama derbiga gurigaaga rinji marisid waxaa kuu fududaanayo in soo iibsato rinji qiyaas ah oo kaa badnayn, marka aad taqaano xisaabinta bedka la rinjiyeeynaayo.

Foto: Fredrik Enander




Markaad ka xulaneyso guri waxaa lays barbardhigaa weynaanta ama inta uu ku fadhiyo guri walba.

- Waa immisa bedka gurigan?
- Waxaan deganahay guri hal qol ah oo bedkiisuna yahay afartan iyo saddex mitir oo labajibbaaran.






Haddaad ciyaarto kubadda cagta waxaad ka war qabtaa in bededka garoomada lagu ciyaaro ay kala waaweeyn yihiin. Waxaa jira cabbir loo isticmaalo garoomada kubadda cagta tusaale ahaan nooca ugu yar ayaa ku fadhiya qiyaas ahaan
40 m x 60 m iyo kuwa aadka u waaweyn oo la'eg labajibbaarka nooca yar ayaa cabbirkooduna yahay 80 m x 120 m. Immisa jeer ayuu garoonka nooca yar qaadaa garoon weyn?


Foto: Fredrik Enander