4.1 Isku geynta iyo kala goynta
Marka laysku geeynayo doorsoomayaasha runtii ma aha wax adag. Jaantuskan hoose waxa ku sawiran afar geesle leh afar dhinac oo aan isla dherer ekeeyn.

Tusaalaha A:

Tibaaxda u taagan wareega afar geeslaha waxaa loo qori karaa sidan:

Wareega: 5f + 4f + 3f + 2f = 14f



Tusaalaha B:

Haddii aanu doonayno inaan helno wareega afar geesalaha ee sawirka sare waxaan u dhigaynaa sidan:

Wareega O = 3g + 2j + 2g + 3 = 5g + 2j + 3

Waxaan iskugu dareynaa tibaax yada sida ay isku leeyihiin. Kuwa aan is qaadan karin layskuma geyn karo sida 5g 2j, waayo waxay wataan xuruufo kala duwan oo xuruuf walibana u taagan qiimo gooni ah.





Tusaalaha C:

Saddex baako oo taraq ah ayaa waxaa ku jira tiro isla'eg oo qoryaha kabriidka, tirada qoryaha kabriidka ee ku jira halkii baako waxaan u bixinaynaa t. Waxaa kaloo jira sida sawirkaan hoose ku aragno dhawr xabbo oo taraq ah oo aan baakada ku jirin.

t
t
3
t
2

Aan qorno tibaax inoo sheegaysa dhamaan inta qori ee kabriid ah ee baakooyinka ku dhex jira iyo kuwa banaanka yaala sida ku sawiran jaantuskan xagga sare:

Tirada dhamaan qoryaha kabriidyada: t + t + 3 + t + 2 = 3t + 5





Waxaan ku cadeyn karnaa marka 3a + 5 + a = 4a + 5 inagoo tusaale u soo qaadanayna hal tusaale oo wata hal xariiq. Waa inaan hubinaa haddi ay taasi saxtahay.

3a + 5 + a

3a
5
a
4a + 5
4a
5
4a + 5
4a
5

Marka la kala goynayo sidaa si la mid ah ayaa loo sameeyaa.

Tusaale: 4m + 7 – m

4m+ 7 - m

4m - m
7
3m + 7
3m
7


Haddaba waxaan isweydiinaynaa ma laysku geyn karaa tibaaxdan soo socota: a + a2 + a3?

Si aan u fahamno jawaabta su'aashan waxaana adeegsan karnaa jaantuusyada hoose oo mid waliba xambaarsan macno u gaar ah :

• a waxaa loo soo qaataa hal xariiq.
• a² waxaa loo soo qaataa laydi oo leh laba dhinac oo isla'eg.
• a³ waxaa loo soo qaataa seddex jibaarane oo dhinacyadiisu mid waliba uu la'egyahay a.

Ma suurto galbaa haddaba in la isku daro hal xariiq hal laydi iyo hal saddex geesoole?

Jawaabtu waa maya. Sidaasi darteed tibaaxdan ma laysku geyno karo mana loo fududayn karo tibaaxyo kale.