3.1 Summadda kala goynta
Ma ogtahay in summadda kala goynta ay leedahay laba macno? Inta aadan baran sida looga shaqeeyo ama loo xisaabo tirooyinka taban waxaa habboon in aad barato farqiga u dhexeeya labadan macnno:
  • Kala goynta taas oo macnaheedu yahay marka laba tiro la kala goynaayo.

    Tusaale: 5 – 3

  • Tirooyinka taban, taas oo macnaheedu yahay marka aan muujineynno in tiradu tahay mid tiro taban.

    Tusaale: -14

Waa muhiim in aad kala saari kartid labadan macno ee summadda kala goynta, hadda wixii ka dambeeya waxaan ku kala saareynnaa sidan. Marka ay tahay xisaab kala goyn ah summadda kalagoynta horey iyo gadaalba waxaa u baneyneynaa hal god, marka ay muujineyso tiro tabane ah waxba uma kala dhexeysiineyno summadda kalagoynta iyo tirada. Sida ka muuqata tusaalayaasha kore. Waxaa mararka qaar la arki karaa ayada oo summadda kalagoynta ay ka dheer tahay intii hore, iyo ayada oo tirada taban summaddeedu ay ka gaaban tahay intii hore.

Makiinadda xisaabta ee sawirka hoose ka muuqda wuxuu leeyahay badhanno muujinaaya shaqada xisaabeed ee la qabanaayo iyo kuwa muujinaaya tirooyinka togan iyo kuwa taban.