Tusaalooyin kale:
1. Ku koob tirada 346 tobnaadka ugu dhaw.
Markaas waxaan eegeynaa tirada ka dambeysa 4 oo ah 6. Waxaan markaas ku soo koobeynaa 350.
2. Ku koob tirada 855 boqolaadka ugu dhaw.
Waxaan aragnaa in tirada tobnaadka ah ee ku jirta 855 ay tahay 5. Markaas waxay jawaabtu noqoneysaa in tiradan 855 lagu koobo 900.
3. Ku koob tirada 243 579 toban kumaadka ugu dhaw.
Waxaan halkan ku aragnaa in tirada ku jirta godka kumaadka ah ay tahay 3, markaas waxay jawaabtu noqoneysaa 240 000. |