5.1 Qiyaasidda
Aqoonta xisaabta ee aadka loo isticmaalo ahna mid muhiim ah waa midda ku saleysan qiyaasidda inta ay tirada la eg tahay. In qofku fahmo inta ay tiradu la egtahay isla markaana uu garan karo qiimaha tiradaas xaaladaha kala duwan waxay muujineysaa fahamka guud ee tirooyinka.


Tusaale waxaan u soo qaaan karnaa adiga oo haysta 300 kr oo lacag ah. Waxaad rabtaa in aad badeecooyin iyo alaabo kala duwan ka iibsato dukaan. Markaasi waxaa muhiim ah in aad fahamsan tahay inta aad 300 kr ku gadan kartid.



Foto: Nils Sundberg, Multimediabyrån

Haddii aad maqasho in hal liitar oo caano ah qiimahiisu yahay 90 kr markaas waxaa ka fikireysaa in ay macquul noqon karto. Waxaa laga yaabaa in loola jeeday 9 kr.


Foto: Fredrik Enander