4.1 Horsanaanta
Horsanaanta waa arrin aad maqashay marar badanna aad isticmaashay. Waxaa dhici karto in aad ka qeyb qaadatay tartan oo aad gashay koobaad, labaad, saddexaad amaba in aad tahay ardayga siddeeddaad ee liiska ardayda fasalkaaga. Sidaas daraadeed, erayada labaad iyo siddeedaad waa nidaamka loo yaqaanno horsanaanta. Waxaan isticmaalnaa nidaamkan marka aan rabno in aan sheegno sida loo kala horeeyo. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa sida ay Soomaalidu u sheegaan qofka saddexdiisa magac iyo magacyada kale ee ku xiga. Magaca koowaad, kan labaad, kan saddexaad, kan afaraad.




Boqorka la yiraahdo Karl XIV Johan waxaa magaciisa loo akhriyaa:

Karl-kii afar iyo tobnaad.


Foto: Fredrik Enander





Sidee ugu dhawaaqi laheyd taariikhda hoos ku qoran (maalinta ugu dambeysa ee Disembar)?


Foto: Fredrik Enander




Marka tirooyinka loo qoraayo qaabka horsanaanta waxaa loo qori karaa saddex hab oo kala duwan: eray ahaan, tiro ahaan iyo habka Roomaanka. Sidan ayaa loo akhriyaa ama loo dhahaa tirooyinka, 24 xabo ee ugu horeeya.