2.1 Wax walba magac ayey leeyihiin
Halkaan waxaad ku baran doontaa magacyada marka tiro idil la kala qeybiyo, iyo sida xisaab ahaan loo qoro tirooyinka jajabka. 

Si aan u fahamno arrintaas waxaa muhiim ah inaan baranno eraybixinta maaddada xisaabta. Qeybaha kala duwan ee tirooyinka jajabka waxaa loo yaqaan magacyo gaar ah oo muhiim ay tahay inaan baranno. Daawo filimkaan ka hadlaya magacyada loo adeegsado jajabyada kala duwan.


Bal eeg erayada hoos ku qoran oo ka hadlaaya tirooyinka jajabka.

"Tiro idil"
Laba qeybood oo isla eg qeyb kasta waxaa la yiraahdaa
"bar (nus)"
Saddex qeybood oo isla eg qeyb kasta waxaa la yiraahdaa
"hal-sadexaad"
Sadex-meelood hal
Afar qeybood oo isla eg qeyb kasta waxaa la yiraahdaa
"hal-afaraad"
Afar-meelood hal
Shan qeybood oo isla eg qeyb kasta waxaa la yiraahdaa
"hal-shanaad"
Shan-meelood hal
Lix qeybood oo isla eg qeyb kasta waxaa la yiraahdaa
"hal-lixaad"
Lix-meelood hal