1.2 Qeybsiga siman
Waxaa laga yaaba inaad u baahato adeegsiga jajabka xaaladda wax qeybsi, sida marka ay dad badan qeybsanaayaan nacnac, cabitaan, ama lacag. Si loo sameeyo qeybsi caddaalad ah waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo xisaabta jajabka.

Hababka wax loo qeybsado waa kal duwan yihiin. Waxaa wax loo qeybsan karaa hab ku tijaabin ah ama lagu helay waayo aragnimo ama dad kale laga arkay. Hab kale oo wax loo qeybsado waa ayada oo la adeegsado aqoonta xisaabta. Marka aad barato xisaabta jajabka ayaad sameyn kartaa qeybsi caddaalad ah.

Aan soo qaadanno labo tusaale:


Foto: Fredrik Enander
  • Waxaad tihiin saddex saaxiibo ah oo raba iney qeybsadaan labo dhalo (qaruurad) oo cabitaan ah.
  • Reerkiinna oo doonaaya iney qeybsadaan saxan doolsho ah barkiis (keey).

Ugu dambeyntii haddii aad fahamto xisaabta jajabka ah waxaad aqoon kugu filan u yeelaneysaa qaybaha muhiimka ah ee xisaabta sida boqoleyda iyo jajab tobanlaha.

Nala daawo filimkaan ka sheekeynaaya “Qeybsiga siman” adiga oo markaas ka jawaabi doona su'aalaha la socda casharka. Haddaad fahamtay casharkaan kor ku xusan fadlan u sii gudub casharka ku xiga.