2.1 Barashada Tirooyinka
Weli ma ku fikirtay tirooyinka aadka u waaweyn? Ma qiyaasi kartaa inta ay hal milyan oo shay la egtahay? Qiyaas ahaan, god weyn oo quraansho ka buuxdo waxaa ku jiri kara hal milyan oo quraansho.





 

Haddii aan ka fekernno tirada hal bilyan,
1 000 000 000, waxaa kugu soo dhaceyso sanduuq lacag ah. Haddii hal bilyan oo karoon lays daba taxo waxay gaaraayaan dherer ah 1 900 km, oo u dhiganta fogaan u dhexeysa magaalooyinka Ystad iyio Kiruna oo lagu daray 250 km.


Foto: Fredrik Enander

Waxaa halkan laga fahmi karaa in ay adag tahay in la qiyaaso inta ay la egtahay tirooyinka waaweyn. Bal ka feker inta ay la ekaan karto tiro aad u badan. In aad fahamto xisaabta waxay ku xiran tahay inta uu la egyahay fahamkaaga dhinaca tirooyinka iyo inta ay la egyihiin.