1.1 Horudhac
Maalin walba waxaad isticmaashaa tiro. Wey nagu adkaan laheyn in aan noloshan casriga ah ku noolaano, haddii aysan jiri laheyn tirooyinka xisaabta. Bal isku day in aan hal maalin aadan sheegin tiro xisaab ah, waa wax adag.

Halkan waxaan ku soo qaadaneynaa dhowr xaaladood oo aad isticmaashid tirooyinka caadiga ah ee xisaabta.




- Saddex cad oo hilib ah, 2 bataati och 1 rooti, mahadsanid!

Foto: Fredrik Enander





- Immisa bilyeeti (tigidh) oo filim ah ayaad rabtaa in aad iibsato?
- Afar, mahadsanid!


Foto: Fredrik Hjelm





- Immisa maalin ayaa ka hartay fasaxii xagaaga (samarka)?
- Waxaa ka hartay 18 maalmood!


Foto: Dan Gunnarsson



Qeybtan waxaan ku baran doonnaa tirooyinka muhiimka u ah barashada xisaabta, waana tirooyinka caadiga ah.