stockholm.se

3.2  Isla’egyo leh hooseeyeyaal

Waxaad qeybtii hore ee tirooyinka jajabka ah, ku soo aragtay sida dhufsanayaraha ay wadaagaan lagu helo loona isticmaalo. Qeybo ka mid ah isla’egyada leh hooseeyaha, waxaa si sahlan loogu xallin karaa iyadoo la isticmaalayo dhufsanahayaraha ay wadaagaan.

Tani waxay ku habboon tahay in la isticmaalo dhufsanayaraha ay wadaagaan, marka la haysto isla’egyo leh labo iyo in ka badan oo hooseeyayaal ah. Hab fiicani waxaa weeye markaad la kulanto isla’egyadaa noocaas ah inaad ku dhufato DHB iyo DHM dhufsanayaraha ay wadaagaan, maaddaama taas macnaheedu yahay in hooseeyayaasha la tuuro.

Tusaale: Xalli isle’egtan

Xallin
Faallo
Asalka isla’egta.
Dhufsanayaraha ay wadaagaan = 12
Siyaabo kala duwan ayaa lagu heli karaa dhufsanayaraha ay wadaagaan. Mid ka mid ahi waa in hooseeyayaasha lagu dhufto 1, 2, 3, … ilaa laga helayo nafiijo isku mid ah.
DHB iyo DHM waxaa lagudhufanayaa12. U fiirso in dhinaca midig oo dhan lagu dhufanayo 12..
Waxaa la sameynayaa isku dhufashooyinka.
Waxaa laga shaqaynayaa tibxaha dhinaca midig.
4x = 24 + 3x
Qeybaha ayaa la helayaa: 12/3 = 4 iyo
12/4 = 3
4x – 3x = 24 + 3x – 3x
Waxaa laga jarayaa 3x DHB iyo DHM.
4x – 3x = 24
3x – 3x = 0 DHM.
x = 24
DHB ayaa la fududaynayaa: 4x – 3x = x
x = 24
Jawaabta.

Tusaale: Xalli isle’egtan

Xallin
Faallo
Asalka isla’egta
Dhufsanayaraha ay wadaagaan = 7x
Dhufsanayaraha ay wadaagaan wuxuu noqonayaa 7x.
DHB iyo DHM ayaa lagudhufanayaa 7x.
Waxaa la samaynayaa isku dhufashooyinka.
1 ∙ x = 7 ∙ 5
Waa la soo gaabinayaa: 7/7 = 1 DHB iyo DHM x/x = 1 DHM
x = 35
Jawaabta.

Isbar-bardhig asalka isla’egta iyo sadarka ka horeeya kan ugu danbeeya jadwalka:

waxay u dhigantaa 1 ∙ x = 7 ∙ 5

Waxay u muuqataa in hooseeyaha 7 ”kor loogu dhuftay” sareeyaha 5 isla markaana hooseeyaha x ”kor loogu dhuftay” sareeyaha 1. Iskudhufashooyinkani waxay u dhaceen”isweydaar”. Isle’egta noocaan ah (oo isla’egta labadeeda dhinacba ku leh jajab) waxaa loo adeegsan karaa habka  ”isku dhufashada isweydaarka ah”.



Ka feker kalana dood kooxda kale:

Waa maxay sababta aysan ugu shaqayneyn iskudhufashada isweydaarka ah isla’egta soo socota?

Ka feker:

Waa maxay dhufsanayaraha ay wadaagaan ee isla’egta soo socota?

 

İStockholms stad