stockholm.se

3.1  Xallinta isla’egta

Si loo xalliyo mas’alooyinka qaarkood, waxaa loo baahanyahay isla’egyo. Isla’egtu waa isla’ekaan leh ugu yaraan hal walax oo aan la aqoon. ”Walaxda aan la aqoon” waxaa loola jeedaa tiro aan la garanayn, taas oo macnaheedu yahay tirada la rabo in la helo. Tiradaan xeer ahaan waxaa lagu asteeyaa hal xaraf. Erayga isla’eg wuxuu ka soo jeedaa erayga laatiinka ah aequatio, macnihiisuna yahay isla’ekayn.

Si loo caddeeyo waxa isla’egtu tahay iyo sida loo xallin karo, waxaynu baraneynaa miisaanka hoos ka muuqda. Kan waxaa loo yaqaan miisaanka dheelitirka, wuxuuna ka kooban yahay laba dhinac. Maraka alaabta ku jirta labada dhinaca ee miisaanka ay isku culays yihiin, waxaa isla ekaanaya joogga labada dhinaca ee miisaanka, ooka dhigaaya in uu miisaanku noqdo mid dheeli tiran. Marka ay mid ka mid ah labada dhinac ee miisaanku ay ku jiraan culus ka badan dhinaca kale, waxaa uu miisaanku noqonayaa mid aan dheeli tirneyn, oo hal dhinac u bata.

Dhinaca bidixda ee miisaanka, waxaa ku jira saddex kiilogaraam (buluug) oo culays ah iyo baako (oranji) oo aan la garanayn culayskeeda. Dhinaca midigta ee miisaanka waxaa ku jira todobo kiilogaraam (buluug) oo culays ah. Waxaa jirta isla’ekaan, taasoo macnaheedu yahay in waxyaabaha labada dhinac ku jira isla’eg yihiin. Haddii la rabo in la helo culayska baakadda, waxaynu ka soo qaadaynaa in culayska baakaddu yahay x kg. Markaa dhinaca bidixda xigta culayskeedu wuxuu noqonayaa x + 3 kg. Dhinaca midigta xigta culayskeedu waa todoba kiilogaraam. Haddaba maaddaama ay jirto isla’ekaan, waxaynu dhex dhigaynaa isla’ekaan labadaan culays.

x + 3 
=  7

Markaas kadib, waxaynu dhinaca bidixda ee miisaanka ka tuuraynaa saddexda kiilogaraam. Taas macnaheedu waxaa weeyo inaysan jirin wax isla’ekaansho ah. Waxaa cuslaanaysa dhinaca midigta xigta. Sidaa darteed ma jirayso isla’ekaansho.

x + 3 3  
  7
  7

Haddii aynu sidoo kale ka tuurno saddex kiilogaraam dhinaca midigta xigta, waa in la helo miisaan isla’eg maaddaama aynu labada dhinacaba ka tuurnay culays isla’eg.

x
= 73
x
= 4

                                     

Sidaa darteed culayka baakaddu waa 4 kg.

Halkaas ayeynu ku xallinay isla’egtii. x = 4 waa xallinta isla’egta.

Habkaan aynu adeegsanay, waxa aynu labada dhinacba ka jarnay 3, taa macnaheedu waa in aynu dhanka bidix (DHB) iyo dhanka midig (DHM) ka jarnay tiradaas.

Marka la xallinayo isla’egyo, waxaa muhiim ah in labada dhinac DHB iyo DHM, laga fuliyo xisaabin isku mid ah. Marka laga soo tago kalagoynta, waxaa kaloo suurtagal ah in tiro lagu daro, lagu dhufto isla markaana loo qaybiyo inta ay taasi ka fulayso labada dhinac.

Marka mas’alo la xallinayo waxaa loo baahan yahay in loo adeegsado hal summad isla’eg sadarkiiba. Waxaa kaloo wanaagsan in talaabo talaabo looga shaqeeyo ilaa xalka la gaarayo. Jawaabta waxaa la helayaa marka walaxda aan la aqoon oo inta badan ah xaraf sida x ay ku soo harto hal dhinac ee sumadda isle’egta.

Tusaale: Xalli isle’egtan x – 25 = –62

Xallin
Faallo
x – 25 = –62
Asalka isla’egta.
x – 25 + 25 = –62 + 25
25 ayaa lagu darayaa DHB iyo DHM.
x = –62 + 25
–25 + 25 = 0 DHB.
x = –37
DHM ayaa laga shaqaynayaa waxaana la helayaa xididka.

 
Tusaale
: Xalli isle’egtan 6x = 17

Xallin
Faallo
6x = 17
Asalka isle’egta.
U qaybi 6 DHB iyo DHM.
x = 17/6
6/6 = 1 DHB.
x = 17/6
Jawaabta saxda ah.
x ≈ 2,833
Jawaabta qiyaasta ah.

 
Tusaale
: Xalli isle’egtan

Xallin
Faallo
Asalka isle’egta.
Kudhufo 3 DHB iyo DHM.
In lagu dhufto dhufsane jajab, waxay la mid tahay iyadoo sareeyaha lagu dhuftay dhufsanaha.
y = 3 ∙ 15
3/3 = 1 DHB.
y = 45
Jawaab..

Tusaale: Xalli isle’egtan 48 – 4a = 41

Xallin
Faallo
48 – 4a = 41
Asalka isle’egta.
48 – 4a + 4a = 41 + 4a
4a ayaa lagu darayaa DHB iyo DHM.
48 = 41 + 4a
– 4a + 4a = 0 DHB..
48 – 41 = 41 + 4a – 41
41 ayaa laga jarayaa DHB iyo DHM.
48 – 41 = 4a
41 – 41 = 0 DHM
7 = 4a
DHB ayaa la raadinayaa.
U qaybi 4 DHB iyo DHM.
4/4 = 1 DHM.
Isle’egta ayaa la wareejinayaa.
Jawaabtu waa qaab jajab
a = 1,75
Jawaabtu waa qaab jajab tobanley.

 

Tusaale: Xalli isle’egtan 5x – 2 = 3(18 – x)

Xallin
Faallo
5x – 2 = 3(18 – x)
Asalka isle’egta.
5x – 2 = 54 – 3x
3 ayaa lagudhufanayaa bilaha DHM.
5x – 2 + 2 = 54 – 3x + 2
Kudar laba DHB iyo DHM.
5x = 54 – 3x + 2
–2 + 2 = 0 DHB.
5x = 56 – 3x
54 + 2 = 56 DHM.
5x + 3x = 56 – 3x + 3x
3x ayaa lagu darayaa DHB iyo DHM.
5x + 3x = 56
– 3x + 3x = 0 DHM.
8x = 56
5x + 3x = 8x DHB.
U qaybi 8 DHB iyo DHM.
8/8 = 1 DHB.
x = 7
DHM ayaa la raadinayaa xididkana waa la helayaa.

 

 

Ka feker kalana dood kooxda kale:

Ma tahay tani isle’eg?
4 + 3x = 1 + 2x + 3 + x

Ka feker:

Maxaa loola jeedaa tiro dheelitirta ilse’eg

©Stockholms stad