4.1 Noocyada kala duwan ee
garaafyada
Garaaf sidiisaba waa sawir ama jaantus soo bandhiga ama muujiya
jawaabta ka soo baxday xog raadin la sameeyey. Marmarka qaarood
garaafyada waxaa loo isticmaalaa in sawir naga dahsoonaa ay naga
siiyaan xaaladda dhabta ah ee jirta amaba hawl baaritaan ah ee
la soo sameeyey soo bandhigeeda. Dhinaca kale waxaa muhiim ah
in la ogaado in garaaf loo isticmaalo ujeedooyin kala duwan sida
ganacsiga, bal ka soo qaad in qolo ay doonayso in ay suuq geeyaan
badeecad ay soo saareen, waxaa la isticmaalaa laguna xoojiyaa
suuq geynteeda nidaam garaafeed, waxaana wanaagsan in aan been
abuurasho loo isticmaalin garaaf.
Sidaasi daraadeed waxaa muhiim ah in la aqrin karo
lana fahmi karo garaafka. Soo maha muhiim inaad si taxadir ah
isaga eegto garaafka si aan laguu qiyaanin?
Garaafka waxaad ku aragtaa maalin waliba meelo
badan sida wararka idaacadaha, wargeeysyada, iyo iidhehda. Waxaa
jira noocyo kala duwan ee garaafyo ah, nooc walbana waxaa loo
adeegsadaa meel ku haboon iyo ujeeddooyin kala duwan.
Waxaan ku arki doonaa xagga hoose annagoo sharaxeyna
noocyada kala duwan ee garaafyada:
Garaaf jiitimeed |
Garaaf joogeed |
Garaaf xariiqeed |
|
|
|
Garaaf goobeed |
Garaaf sanduuqeed |
|
|
|
|
|
|