3.1 Qiyaasta soo dhaweynta
Qiyaas meeleed waa hab loo isticmaalo in lagu soo ururiyo laguna soo bandhigo tirokoob isla markaasina laysla barbar dhigaayo baaritaanada la sameeyey iyo natiijadii laga gaaray tirokobka. Tusaale ahaan waxaa lays barbar dhigi karaa cimriga dadka ku nool wadamada kala duwan ee dunida, marka xogtaas la helo ayaa waxaa suurtagal noo noqonayso inaan la soo baxno aqbaaro dheeraad ah sida daryeelka caafimaadka, xaaladda nolol maalmeedka sida raashinka ee wadamadaas kala duwan. Waxaan kaloo isbarbar dhig ku sameyn karnaa annagoo adeegsaneyna habkaas soo dhaweeynta qiyaasta waxyaabo badan sida mushaarada wadamada kala duwan, qiimaha ay guryuhu ka joogaan. Aqoonyahanada sameeya cilmibaarista ayaa aad u isticmaala inta badan habkan qiyaasta soo dhaweeynta si ay u soo bandhigaan baaritaan cilmiyeedkooda. Waxaana casharada soo socda ku eegi doonaa saddexda hab ee soo dhaweynta qiyaasta oo kala ah celcelis, qiimaha dhexfurka, iyo qiimaha badidhacaha.