4.3 Tirada-wax-bedesha
Haddii ay tirada boqolleydu isbedesho dhowr jeer waxaa fudud in la isticmaala tirada-wax-bedesha.

Hal kombiyuutar ayaa qiimahiisu yahay 8 000 kr. Qiimaha waxaa markii hore lagu kordhiyey 20 % kadibna waxaa laga dhimay 10 %.

Muxuu noqonayaa qiimaha cusub ee kombiyuutarka?


Foto: Fredrik Hjelm


Kordhinta qiimaha kadib wuxuu kombiyuutarku qiimihiisu noqday sidan:



100 % + 20 % = 120 % = 1,20
1,20
8 000 kr = 9 600 kr


Dhimista qiimaha kadib waxaad bixineysaa 100 % - 10 % = 90 % ee qiimaha 9 600 kr.



0,90
9 600 kr = 8 640 kr


Tirada wax bedesha ee kordhinta qiimaha waa 1,20.
Tirada wax bedesha ee dhimista qiimaha waa 0,90.



Tirada guud ee keeneysa isbedelka waa 1,20
0,90 = 1,08

Qiimaha cusub wuxuu markaasi noqonayaa
1,08
8 000 kr = 8 640 kr