4.1 Kororka (qiimaha)
Boqolleyda waxaa inta badan loo isticmaalaa in la ogaado inta ay wax kordheen ama is dhimeen. Waxay kororkaasi ku saabsanaan kartaa sida sicirka, canshuuraha ama mushaarada.

Boqolleyda waxaa kaloo loo isticmaalaa kororka iyo isbedelada dhinaca tirada dadka ee magaalooyinka iyo wadammada.


Sawirka waxaa ka muuqda qalab wax lagu dhegeysto ee DVD oo qiimahiisu yahay 2 000 kr. Sanad ka dib, qiimahaasi waxaa ku kordhay 20 %. Haddaba, immisa ayuu noqonayaa qiimaha cusub ee qalabkaasi?


Foto: Fredrik Enander


Waxaa halkan ku soo bandhigeynaa saddex hab oo looga shaqeyn karo su'aashaas:

1. Ugu horeyntii waxaan qaadeynaa laba talaabo:

Waa immisa 20 % ka 2 000 kr?

Haddii 20 % loo rogo ama loo qoro qaab jajab ah, waxay noqoneysaa hal shanaad, 1/5.

 

Shan meelood hal meel oo 2 000 kr waa 2 000/5 = 400 kr.

Haddii qiimaha lagu kordhiyey 20 %, waxaa qiimihii hore ku kordhaaya 20 %. Qiimaha cusubna wuxuu noqonayaa 2 000 kr + 400 kr = 2 400 kr.


 


2. Habka labaad waxa uu noqonayaa in tirada boqolleyda ah loo qoro qaabka jajab tobanle, ka dibna la sameeyo isku dhufasho:

20 % ka 2 000 kr: 0,20
2 000 kr = 400 kr

Qiimaha cusub wuxuu noqonayaa 2 000 kr + 400 kr = 2 400 kr


3. Habka saddexaad waa sidan:

Qiimaha cusub waxa uu noqonaayaa 100 % + 20 %. Taasina waxa ay la mid tahay 120 %. Haddii tiradaasi boqoleyda ah, 120 %, loo qoro qaabka jajab tobanle waxay noqoneysaa 1,20.



Qiimaha cusub waxa loo xisaabaayaa sidan: 1,20
2 000 kr = 2 400 kr.

Habka sida tooska ah 1,20 loogu dhufanaayo qiimaha asalka ah, waxaa la yiraahdaa isticmaalka tirada wax bedesha, waxaana ku arki doonaa casharka 4.3.


Kororka boqolleyda
Marka aan xisaabineyno kororka boqolleyda waxaan isticmaaleynaa isla habkii aan ku soo barannay casharka 3.1.
avsnitt 3.1.

Qaaciddada aan isticmaaleyno waa sidan:



Tusaale: Qalabka wax lagu daawado ee DVD ayaa qiimaheedu wuxuu ahaa 2 000 kr. Qiimihii ahaa 2 000 kr ahaa waxaa lagu kordhiyey 250 kr. Boqolkiiba immisa ayaa la kordhiyey qiimaha qalabkaas?

Qeybta muhiimka ah waa isbedelka ku dhacay qiimaha qalabka DVD, tirada guud waa qiimaha asalka ah ee hore.

Waxaan heleynaa sidan:

Qaaciddada boqolleyda = 250 kr / 2 000 kr = 0,125 = 12,5 %

Jawaabta: Qalabka DVD waxa uu qiimo ahaan kordhay 12,5 %.