1.2 Waa maxay boqolley?
Xisaabta boqolleyda ah waxaa loo isticmaalaa in waxyaabo kala duwan la isku barbardhigo.

Cumar waxaa lagu soo laaday 10 darbo oo kubadda cagta ah.

Wuxuu qabtay 7 ka mid ah 10 kii darbo ee lagu soo tuuray.

Cali waxaa lagu soo laaday 25 darbo oo kubadda cagta ah.

Wuxuu qabtay 19 ka mid ah 25 tii darbo ee lagu soo tuuray.



Sidee ayaan ku ogaan karnaa labada goolyahe ee Cumar iyo Cali midka fiican oo xariifsan?

Midkee badan: 10 meelood 7 ama 19 meelood 25?

Sida ugu fudud ee laysku barbardhigo karo labada goolyahe midka xariifsan waa ayada oo la adeegsado xisaabta boqoleyda ah. Waxaa xisaabteena ku saleyneynaa 100 darbo midkiiba. Taasi macnaheedu waa in aan hooseeye walba uu noqdaa 100. Sidan ayaan uga shaqeyneynaa:

Cumar waxa uu badbaadiyey 70 darbo. 7/10 = 70/100.
Cali waxa uu badbaadiyey 76 darbo. 19/25 = 76/100.

Waxaan aragnaa in Cali uu badbaadiyey tiro ka badan kuwa Cumar.

Cumar wuxuu badbaadiyey 70/100 = 70 % darbooyinkii lagu soo laaday.
Cali wuxuu badbaadiyey 76/100 = 76 % darbooyinkii lagu soo laaday.

Boqolkiiba immisa darbo ayey badbaadiyeen goolhayayaashu, haddii la rabo in ay badbaadiyaan dhamaan darbooyinka lagu soo laado goosha?

Jawaabta: Waa in ay badbaadiyaan 100 % goolasha.