1.1 Horudhac
Maxaan u adeegsanaa oo aan u isticmaalnaa xisaabta boqolleyda?

Waa hubaal in aad isticmaashay erayga boqolkiiba ama summadda boqolleyda, %, xaalado kala duwan. Wax ma ka taqaanaa boqolleyda?

Maxaa kugu soo dhaco ama aad ku fikirtaa marka aad maqasho erayga boqolkiiba?
Arday badan oo su'aashan la weydiiyey ayaa sidan soo socota uga jawaabay:

”Boqolkiiba 50 waxay la mid tahay kala bar ama nus.”

”Marka ay dukaamadu wax soo jabiyaan waxay darbiyada ku qoraan boqolkiiba inta ay qiimaha hoos u dhigeen.”

”Baakadaha caanaha waxaa ku qoran boqolkiiba inta subag (dufan) ku jira caanaha.”

”Haddii aan bixiyo boqolkiiba 100 macnaheedu waa in aan wax walba bixiyo.”

”Marmarka qaar waxaa kor u kaca qiimaha alaabta. Markaas waxaa laga hadlaa inta uu qiimuhu sare u kacay ayada oo la adeegsanaayo xisaabta boqoleyda.”
 
Hadaladan sare kuwee ayaad adigu garan kartaan?